Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland oo ansixisay buugaagta dugsiyada hoose ee Puntland.

March 31, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo masuuliyiinta bahda waxbarashada Puntland ayaa ansixiyey buugaagta manhajka dugsiyada hoose ee Puntland. Ansixinta ayaa ka dhacday xarunta PDRC ee magaalada Garowe.

Waxaa guul ah in ubadkeennu ay maanta laga bilaabo wax ku baran doonaan manhaj mideysan oo ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalkeenna. Dadaal dheer kaddib waxa aynu ku guuleysannay manhajka dugsiyada hoose ee Puntland, iyada oo horey aynnu ugusoo guulaysannay Siilabaska dugsiga dhexe iyo sare ee Puntland.

Sidoo kale, ansixinta kadib buugaagta ayaa la daabici doonaa loona qaybin doonaa iskuullada hoose ee Puntland, si sannad-dugsiyeedka inagusoo fool leh ay macallimiintu iyo ardayduba u adeegsadaan buugaagtaas.

Waxaa sidoo kale WW&TS ee Puntland qorshe u ah in la bilaabo qorista buugaagta dugsiga dhexe ee fasallada 5aad illaa 8aad, oo iyaguna mari doona hababkii kala duwanaa ee ay mareen diyaarinta iyo qorista buugaagta dugsiyada hoose ee fasalka koowaad illaa afaraad.

Barnaamijkan ayaa xoogga lagu saari doonaa kor u qaadista tirada ardayda iyo tayada ka qaybgalka waxbarashada carruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macallinka, tayaynta dugsiyada Puntland, xoojinta kormeerka, manhajka iyo xoojinta awoodda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dawladda Puntland.
Manhajkan Puntland ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa ah buugaagtii ugu tayada fiicnaa oo la qoro burburkii kadib.
Manhaj dawladeed ama ummadeed ayaan si sahalan lagu qori karin, bahda waxbarashada Puntland ayaa aqoon, karti, xirfad iyo khibradba u leh isku filnaanshaha dhinaca waxbarashada.

Dhinaca kale, hay’adda UNICEF ayaa Wasaaradda ka caawisay qorista buugaagtaan dugsiyada hoose Puntland.

Waxaa kale oo goobta anisaxinta buugaagta dugsiyada hoose ee Puntland joogay dhammaan hay’adaha kale ee waxbarashada ka shaqeeya, xubno ka tirsan guddigii ka shaqaynayey qorista buugaagta, aqoonyahanno, macallimiin, waalid iyo marti sharaf kale.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa ubadkeeda u ballan qaadday in ay helayaan sannad-dugsiyeedka cusub buugaagtii loogu talo galay fasalka koowaad ilaa afaraad ee dugsiga hoose ee Puntland.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online