Afhayeenka Xukuumada DFS Macalimuu oo dhaawaciisa dalka dibadiisa loo qaaday
January 17, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaan galabta dhaawaciisa dalka dibadiisa loo qaaday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ,waxaana ku sagootiyey Garoonka Aaden Cadde xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha .
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay amray in dalka dibadiisa loo qaado dhaawaca Macalimuu wuxuu sheegay in Xukuumaddu ay dadaal ku bixin doonto baxnaaninta dhaawaca Afhayeenka oo shalay qarax ismiidaamin ah lagu dhaawacay.
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Liibaan Cabdi Cali oo ka warbixiyey dhaawaca Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladdiisu ay soo hagaagayso, haatana loo qaadayo dalka Turkiga si halkaas loogu soo baxnaaniyo dhaawaca Afhayeenka Xukuumada Macalimuu.
A/Cawale
Halgan.net