Afhayeenka xukuumadda DFS oo ku dhaawacmay qarax Lagu weeraray.
January 16, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu uu ku dhaawacmay qarax ismiidamain ah oo maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Macalimuu ayaa ka dib qaraxii uu ku dhaawacmay waxaa loola cararay mid ka mid ah cisbitaallada magaalada Muqdisho .
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in Macalimuu uu ku dhaawacay weerar ismiidaamin ah,ee lagu weeraray, waxaana ay cambaareeyeen falka argagixisada ah uu lagu weeraray Afhayeenka DFS Macalimuu.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dhowr mar oo hore wuxuu ku dhaawacmay weeraro kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net