Golaha Wasiirada DFS oo amar ku bixiyey in Beledweyne laga soo saaro ciidanka la geeyey.[Video]

January 27, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo  baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Shirka ayaa waxaa warbixinno laga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada shirka ka qeybgalay, waxaana xoogga lagu saaray in laga hortago cidkasta oo carqaladeynaysa amniga oo ay ugu horeeyaan argagixisada.

Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in dib looga soo celiyo ciidankii dhawaan la geeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

“Kadib markii labada Wasiir ay quseysa aan lagu wargelin oo ay la socon geynta ciidamada la geeyay Beladweyne, Golaha Wasiirada falanqeyn iyo dood dheer kadib waxa uu Goluhu isku raacay dhowr qodob oo loogu talagalay in lagu xaliyo xiisadda ka taagan Beladweyne”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

1, In ciidamadaas la geeyay magaalada Beladweyne ee aan la soconin Wasaaradihii mas’uulka ka ahaa ee u xilsaarnaa inay korjoogteeyaan, lana socdaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada, ayaa waxaa taliyeyaasha ciidanka la faray inay si deg deg ah ciidamadaas uga soo saaraan magaalada, dibna loogu celiyo xeryahooda.

Shirka Golaha inta uu socday waxaa Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamada la faray in qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah, laga ilaaliyo waxyaabaha sumcad dilka ah ee ugu horeyso in lagu milo arrimaha siyaasadda, isla markaana ciidamada lagu koobo waajibadka ay leeyihiin oo ah inay sugaan amniga guud ee dalka, ilaaliyaana muwaadiniinta.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa xusay in Goluhu uu isku raacay in ciidamada laga dheereeyo shakiga ama ku lug lahaanshiyaha la xiriira inay faragelin ciidamada ku lugleeyihiin loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka oo amnigooda iyo socodsiintooda si gaar ah  mas’uul uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada u soo bandhigay guddi Wasiiro ah oo uu u magacaabay in Maamulka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beladweyne ay kala shaqeeyaan dajinta xiisadda ka taagan Beladweyne iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka taagan.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga Wasiiro ah oo loogu tagalay inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa arrinta ka taagan magaalada Beladweyne, iyaga oo la shaqeynaya Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beladweyne”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Guddiga Wasiirada ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac xubin
  4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Khaliif Cabdi Cumar xubin iyo
  5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Drs Fowziya Abiikar Nuur

Wasiirada ayaa la faray inay si dhow ula shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo bulshada Beladweyne.

Golaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo waxgaradka Beladweyne ay xaaladda dajiyaan oo ay ka hortagaan waxkasta oo keeni kara isku dhac.

Golaha ayaa Madaxda Wasaaradda Amniga faray inay la yimaadaan qorshe lagu xoojinayo sugidda amniga suuqa bakaaraha iyo  guud ahaan goobaha ganacsiga dalka, maadaama ay isa soo tarayaan hanjabaadda argagixisadu u geysaneyso ganacsatada.

———Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online