Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Eyl iyo Qardho oo dib loo dhigay
January 26, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay dhammaan inta ay quseyso ka raali gelinaysaa in Wasaaraddu go’aan ku gaartay in aan dib u dhigno dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Eyl iyo Qardho oo ku qorshaysnaa 27ka January 2022 si aan u dhammeyno hawlo farsamo oo ay tahay in la qabto ka hor inta aan la fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee ku yimid doorashadii 25kii October 2021.
Waxaan mar labaad ka cudur daaranaynaa dib u dhaca ku yimid dhismaha Degmooyinka kor ku xusan. Wasaaradda ayaana dib ka soo sheegi doonta wakhtiga la qabanayo insha Allaah.
Mahadsanidiin.
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA.