Madaxweynaha Jubaland oo soo dhaweeyey Go,aanka golaha Wasiirada Ee DFS
January 23, 2022 - Written by EditorKismaayo:-Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso. Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.
——Dhamaad—