Madaxweynaha Somali State oo ka hadlay Go’aanka ay gaareen Golaha Wasiirada DFS
January 23, 2022 - Written by EditorJigjiga:-Madaxweynaha Somali State Mustafe Muxumed Cumar ayaa soo dhaweeyey, go’aankii golaha wasiirrada ee DFS ay maanta ururka ONLF uga saareen liiska argagixisada kuna cabaareeyeen dhiibistii Qalbi Dhagax.
Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa yiri “
“Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.
Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay.”
Madaxweyne Somali State Mustafe Cagjar
Halgan.net