Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga

January 19, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Danjire Axmed Bin Maxamed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ka siday Boqorka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasis.Sidoo kale, Danjiraha Boqortooyada ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Bin Maxamed xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.Munaasabaddan uu Madaxweynuhu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo Danjire Axmed Bin Maxamed, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mustafa Aadam

no images were found

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online