Madaxweyne Saciid C/laahi Deni oo Daah-Furay hiigsiga Puntland 2040.

January 18, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Puntland 2040, oo lagu soo bandhigay Waxyaabaha ay Puntland hiigsanayso 2040, waana markii ugu horeysay ee la sameeyo qorshe fog iyo hiigsi Dowladeed Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ay Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorsheynta kusoo bandhigeen waxyaabaha la hiigsanayo iyo habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso sida :

Habka danabeysan ee casriga ah ee maareynta howlaha Golaha Wasiirada (E-Cabinet).*Habka Casriga ah ee qiimeynta iyo dabagalka (PIMES)
Nidaamka Maareynta Adeegyada Bangiga (Digital Banking) Kulanku intuu socday waxaa sidoo kale lasoo bandhigay Puntland iyo marxaladihii lagu aasaasay 1998 iyo hadda meesha ay marayso, guulaha laga gaaray dimuqraadiyadda Puntland, dhismaha ciidamada iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhammaantood laga sameeyay horumar taariikhi ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah u daah-furay Hiigsiga Puntland 2040, ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay wadajir isugu diyaariyaan maanta taariikh qormeysa, oo lagu suntayo mustaqbalka Puntland 2040, si loo qaabeeyo loogana shaqeeyo Puntland kasii qurux badan maanta Halka ay joogto, nabad ah oo horumar kusii tallaabsata.
—-DHAMMAAD —-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
January 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online