Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Taliyihii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir

September 30, 2022 - Written by Editor

MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii saaka ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaas qaran, waxa uuna sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee, uu go’aankaas lahaa, kuna shaqeeyey, maantana u shahiiday.
” Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud iyo askartii kaleba ee la shahiidday waxa uu Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.
INNAA LILAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Leave a comment

*

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online