Taliska guud ee Ciidamada AMISOM oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho
March 1, 2012 - Written byMuqdisho:-Taliska guud ee Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxaa uu shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadlay arimaha ay ka mid yihiin soo kordhinta ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Muqdisho iyo in ciidamadooda ay badali doono kuwa Itoobiya marka la soo kordhiyo.
Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen. Fared Mugisha ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM dhowaan lasoo kordhin doono lana gaarsiin doono in ka badan 17,000-askari kuwaas oo ka imaan doono wadamo kala duwan.
Gen. Fared Mugisha ayaa ku faanay in ay dhawaan howlgalo ka bilaabi doonaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye wuxuuna sheegay in ay qorsheynayaan in ay tagaan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka AMISOM ayaa si rasmi ah u sheegay in ay ciidamadooda marka la soo kordhiyo ay geyn doonaan ciidan magaalooyinka Baydhabo iyo Hiiraan kuwaas oo ay haatan heystaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM.
Waa markii labaad bishaan gudaheeda ay taliyaasha ciidamada AMISOM ku booteeeyaan in ay isku fidinayaan wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho xili habeen kasta lagu qaado weeraro gaadmo ah.
A/Cawale
Halgan.net