Dagaal xalay ka dhacay magaalada Balad xaawo ee xarunta gobalka Gedo
March 4, 2012 - Written byGedo:-Dagaal iyo iska horimaad hubaysan ayaa xalay ka dhacay magaalada Balad xaawo ee xarunta gobalka Gedo ka dib markii ay dagaal ay ku soo qaadeen ciidanka al-shabaab saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamada DFKM iyo kuwa Ahlu Sunna .Iska horimaadka xoogiisa ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada B/xaawo balse wuxuu ku fiday markii danbe gudaha magaalada.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ku dhintay inta la’ ogyahay ilaa saddex qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa 2-bo kale Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo Nuur Sayax ayaa xaqiijiyey in xalay weerar ay ku soo qaadeen magaalada Baladxaawo ee xarunta gobalka Gedo ciidanka Al-shabaab waxaana uu sheegay in ay guula ka gaareen oo ay iska difaaceen dagaalkii lagu soo qaaday.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada B/xaawo ayaa sheegay in saaka magaalada ay degan tahay ayna gacanta si buuxda ugu hayaan ciidanka DFKM iyo kuwa Ahlu suna. Khasaaraha soo kala gaaray xalay labada dhinac ee ku dagaalamay magaalada B/xaawo ayaa sii kordhay waxaana lagu sheegay in dagaalkii xalay ay ku dhinteen 7 ruux kuwaas oo ka kala tirsanaa laba dhinac.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net