Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Rooble oo shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho
March 5, 2012 - Written byJabuuti:-Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble ayaa maanta shirja,raaid ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu beeniyey in askar u dhalatay Jabuuti lagu dilay dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho. Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in ay been tahay in askar looga dilay magaalada Muqdisho. Safiirka ayaa sheegay in ciidamada dalka Jabuuti aysan wax howlgal ah ka bilaabin magaalada Muqdisho maadaama aan wili la soo dhameystin ciidanka Jabuuti.
Dawladda Jabuuti ayaa waxaa ka jooga magaalada Muqdisho 900 askari waxay ka mid yihiin ciidamada AMISOM ee dagaalka kala soo horjeeda Ururka Al-Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net