Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
March 8, 2012 - Written byHiiraan:-Warar naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino ah lala bartilmaam saday gaarí ciidan oo ay saarnaayeen Ciidamo itoobiyaan ah oo marayey gudaha magaalada , Qarax ayaa markii uu dhacay waxaa goobta qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa Itoobiya waxaan ay bilaabeen howl galo iyo baaritaano.
Ciidanka Itoobiyaanka ah ee qarax lala beegtay ayaa waxaa ay rideen rasaas fara badan iyagoo dhinac walba u riday rasaasta , ilaa hadda ma cad in wax khasaaro ah uu ka dhashay rasaasta ay fureen ciidanka Itoobiyaanka ah ee qarax lala beegsaday.Ciidanka Itoobiya ee qab saday magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ilaa intii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada waxaa lala beegsaday qaraxyo iyo weeraro kaga imaanayey ciidanka urruka Al-shabaab ee ku sugan daafaha iyo duleedka magaalada.
Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa u qeybiyey ciidankooda kooxo yar yar oo weeraro gaadmo iyo qaraxyo la beegsaday ciidanka DFKM iyo Ciidanka Itoobiya waxaan ay fariisamaha ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ay ku qaadeen dhowr weerar oo ay ku gaarsiiyeen khasaaro kale duwan.
A/cawaale
Halgan.net