Qarax ka dhacay Afafka hore ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya

March 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax ka dhacay afaafka hore ee Villa Soomaaliya xarunta Madaxtooyada ee DFKM waxaana qaraxa uu sababay dhimasho dhaawac.

Qaraxa ayaa ilaa iyo haatan waxaa ku dhintay  5 qof 10 kalana way ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan warar hordhac ah  dadka dhintay iyo kuwa dhaawac ahba waxay isigu jiraan ciidamo ka tirsan DFKM iyo  dad rayid ah oo ku sugnaa makhaahi ku dhow Villa Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa isaguna sheegay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof oo uu ku jiray ninkii Qaraxa fuliyey .

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyda qaraxa ka dhacay agagaarka Villa Soomaaliya waxayna sheegeen in ay ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidanka DFKM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online