Socdaalkaygii Mozambique -Qaybta 3-aad W/Q: Muxammad Idriis Axmed

March 14, 2012 - Written by

Mozambique:-Alxamdulilah wasalatu wasalamu calaa rasuuli laah, wa bacdu,Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa walaalaha faallada ka bixiyey qoraalkii hore, waxaan si gaara u xusayaa Fadiilatu Sheekh Al akh Axmed Nuur, Imaamka Masjid Abubakar ee Seattle, Washington. Sheekhayga waad ku mahad santahay difaaca cirdiga miskiinka walaalkaa, waxaanse kuu sheegayaa, adiga iyo walaalaha kale, oo ay dhibeyso, hadalada da,yarta hawshooda adduunka ugu weyni noqotay wax ka sheega iyo saloolashada culimo iyo ducaad iyo cidii khayrba ka shaqaysa, waad mahadsantihiin, jazaakumullaahu khayran, runtii da,yartaasi wexey iga mudanyihiin inaan u mahad celiyo, abaalkoodana ma gudi karo, waxaanan kusii dhiirri gelin lahaa, iney hawshooda sii laba jibbaaraan, aadna iigu kordhiyaan, faallada aanan waqti u helin inaan akhriyo ama maqlo, laakiin asxaabta qaarkood aan ka maqlo, mararka qaar, waxaanan ugu mahad naqayaa sababa dhawra awgood:

1) Wexey da,yartaasu faaqidaad ku samayaan ceebahayga badan oo aan u baahnahay inaan ku baraarugu, taasoo igu bixisa inaan iska soxo, waa tii xikmaddu ahayd allow cadow hanoo waayin ceebahayaga faga oo nagu baraarujiya. Nin gabayaa ah oo caraba ayaa yiri: Ilaahay hadduu doono inuu muujiyo wanaag qarsoomay, wuxuu usoo bixiyaa carrab xaasid ah.

2)  Mar kasta oo ay wax iga sheegaan, ama magacayga xusaan waxaa i barta dad cusub oo aan horay ii aqoon, oo soo doona bal iney dhegeystaan muxaadaraadka iyo duruusta aan bixiyo, taasina waa dicaayad iyonxayaysiin ay u sameeyaan dacwadayda.

3)  Mar kasta oo been abuurka iyo cayda ay badiyaan waxaan dareemaa iney badanayaan dadka ilaahay dartiis ii jecel, ama dacwadaydu ay saamayso, ama warbaahinta kala duwan iyo goobaha dacwada igala soo xiriiraya, oo ii sheegaya iney ilaahay dartiis ii jecelyihiin, taasoo mid farxad iyo dhiirri gelin ii noqota, taasina waa mid ay ku mahadsanyihiin.

4) Waxaanan marna illaawi karin walaalahaasu iney iisoo hadiyeyaan, xasanaadkooda ay ku daalaan, sida cibaadaadkooda, salaad iyo soon iyo sadaqo iyo jihaad, intaasba anigoon ka war hayn, iney ii soo hibeeyaan, ajarkaas badanna ii hadiyeyaan, waa mid aanan abaalkeeda gudi karin, marka waxaan ka codsanayaa iney hilibkayga si fiican ugu casheeyaan, uguna qadeeyaan, had iyo goorna fagtaan, taasoo mar walba ii noqoneysa ajar badan oo aanan shaqysan kareen, taasna waa ku mahadsanyihiin.

Sidaa darteed waxaan walaalaha ka codsanayaa iney ii daayaan da,yarta xanta iyo xumaynta ku hawlan, sababaha aan sheegay dartood, waxaanan u sheegayaa, ilaahay mahadiis, inaanan kaba war hayn, wexey sheegeen, iyo meel ay ku sheegeen, goor ay yimaadeen iyo goor ay tageen..

no images were found

SHEEKADII MOZAMBIQUE

Dalka Mozambique Soomalidu abaal ayey ku leedahay, waayo sida sh. Axmed Nuur sheegay, xornimadeedi iyo halgaankii ay kula jireen gumeysigii bortuqiiska Dawladdii Soomaaliyeed qayb weyn ayey ka qaadatay, sidaas darteed jid weyn u ku yaalla caasimadda Maputo waxaa Lagu magacaabay Madaxweyne Muxamad Siyaad Barre, Allaha u naxariistee. Dadka deggan magaalada Nampula ee Soomaalidu u badantahayna wexey ii sheegeen in mar dhexdaasa ay yimaadeen masuuliin ka tirsanaan jirey Dawladdii Maxamed Siyaad, oo uu ka mid yahay wiilkiisi Maslax Maxamed Siyaad, si heer qaran nima ahna loo soo dhoweeyey..

Masaajidka Soomaalida ee Abuubakar

Soomaalidu wexey magaaada ka asaastay Masjid weyn oo ah midka aanu muxaadaraadka ku qabaneyney ayaamihii aan joogney. Waa masjid dabaqa hoose dhisanyahay, dabaqa labaadna lagu tukado, laakiin uu weli qabyo yahay. Soomaalida Nampula ayaa Masjidka dhistay, dhulkiisana gadday Ilaahay mahadiis, wuxuu leeyahay guddi ka shaqeeya dhismaha iyo maamulka..Casharo afka Soomaaliga, carabiga, bortuqiiska, fulaaniga ayaa laga akhriyaa..Dabaqa sare dumarka ayaa ku tukada inta badan, inkastoo weli daaqadihii iyo albaabadii u hareen, jimcahana labada dabaqba ragga ayaa buuxiya..masjidka waxaa hadda agaasime ka ah hawlihiisa nin dhalinyaro ah oo firfircoon oo la yiraahdo Sayid Cumar, oo maalintii jimcaha nagu soo wareejiyey masjidka qaybihiisa..dhinaca dambe waxaa laga rabaa in madaraso laga sameeyo. Kadibna waxaanu fariisanay xafiiska Masjidka oo qol yar oo ku yaal sallaanka hoostiisa.

Dhalinyarada Reer Mozambique

Waxaa masjidka aad nashaadkiisa uga qayb qaata, dhalinyaro reer Mozambique ah oo aqoon diineed oo fiican leh..Waxaa ka mid ah, sh. xussaam, iyo sh. Khamiis iyo sh. Cabdilatiif, sh. Cismaan.. Qaarkood wexey wax ku soo barteen sucuudiga, suudaan iyo Malaysia.. Waaya aragnimadoodu waa yartahay xagga dacwada, dalkana mashaariic badan oo macaahid lagama hir gelin, waxaa keliya oo xagga dibadda xoogaa kaalma ah, ka geysta Nadwada Dhalinyarta Islaamka ee saldhigeedu yahay Riyadh, Sucuudi Arabiya…Maalintii Sabtida 10/3/2012 oo dhalinyaradaas aan wada qadayney, isna baranay, iyadoo isbarashadaas iyo qadadaas uu sabab u ahaa, Xaaji Abuukar, oo ka mid ah, ganacsatada ugu magac dheer magaalada Nampula, ahna ninkii Masuulka ka ahaa, dhismaha Masjidka Soomaalida, Qaybtiisi Hore, oo casuumad noogu sameeyey Hotelka Melinio oo ah hoteelka ugu caansan magaalada Nampula, kuna yaalla xaafadda aanu deganayn ee guriga Ganacsade Cabdi weli Cali. Wexey dhalinyarta reer Mozambique noo sheegeen iney leeyihiin, jamciyad kulmisa oo la yiraahdo jamciyadda dhalinyarta, xukuumadana iney ku jiraan, masuuliin iyo wasiirro Muslimiin ah, xiriirka ay la leeyihiin dawladana uu fiican yahay, oo wixii mashaariic islaamiya ama tacliimiya ay si fudud ku fulin karaan haddii ay kaalmadeeda helaan.

Wexey kaloo ii sheegeen iney hayaan, machad ama daarul culuum magaalada duleedkeeda ku yaal, ayna jecelyihiin inaan ku soo booqdo, taasoo aan ka ballan qaaday si aanu u xoojino walaaltinimada iyo iskaashiga..waxaana ilaahay ii suurta geliyey inaan soo booqdo, Daarul culuumka Mucaad Ibnu Jabal, ee walaaluhu hayaan..maalintii isniinta 12/3/2012, waxaanan halkan akhristaha ugu soo gudbin doonaa sawiro tilmaamaya goobtaas, iyo sida iyadoo meel aad sabool u ah, ay haddana u soo saareyso, rag ducaada oo carabiga iyo diintaba shubaaya,, dadkana gaarsiinaya, waana mucjisada Islaamka oo ilaahay ballan qaaday inuu ku daahirinayo adduunka oo dhan dad Muslimiina oo ducaadana sabab uga dhigayo..

Subxaanallaahiye Islaamku Cajaa,ib Badanaa!

Machadka ama daarul culuumka walaaluhu hayaan waa guri yar oo aan dhal dhalaal lahayn, waa dhisme dhoobo iyo alwaax inta badan ka samaysan, aadna u gaaban.. Laakiin cibradu maaha, daaraha dhalaalaya ee waa waxa meesha lagu hayo..Addoon Mu,mina ayaa ka wanaagsan Mushrik qaniya haba ku cajabiyo, Jaarriyad Mu,minad ah ayaa ka khayr badan, mid mushrikad ah oo magac iyo maal leh. Guri yar oo dhooba ah oo kitaabka ilaahay lagu hayo, laguna barto, ayaa ka khayr badan daara dhaadheer oo gaalnimo ama xaaraan ama macaasi lagu cammiro.. Iyadoo aaney reebbanayn in daara wanaagsan loo dhiso diinta iyo Qur,aanka barashadooda, sida ay dadka maan gaabka qaarkood qalad u fahmeen..

Waxaan la kulannay ardaydii Machadka, kelmad kooban ayaan is dhaafsannay, wiil dhalinyara ah oo aad u cod macaan ayaa nashiid diini ah noo qaaday, ardayduna ka daba akhriyeen..waan ka duubay you tube ka ama facebooka ayaan soo gelin doonaa inshallah markaan gaaro meel internet dheereeya leh.

Dhalinyartu wexey bartaan culuumta sharciga, luqada carabiga, khudbada jeedinteeda iyo dacwada, aad ayaan ugu bogey ardayda hadda ku jirta iyo mustawohooda iyo meesha ay joogaan..taasoo mar kale ii kordhisey iimaan diintan islaamku sidey dhulka u hananeyso ilaahay idankii..meeshaas yar ee saboolka ah waxaa kasoo baxaya libaaxyo dhulalkaas oo dhan indhaha u fura oo iftiinka islaamka ku faafiya, rag cod kara, aqoon fiican leh, fahmadooda aad la yaabeyso, quruxda iyo nuurka wajigooda ka muuqanaya aad la yaabeyso, oo ku dhaygageyso, adoo aan eegi karin wajiga gaalnimada iyo macsidu ku baaqatay midab kastoo uu leeyahay.. Waxaan ogaaneysaa, quruxda dhabtaayi iney tahay quruxda iimaanka, quruxda cibaadada, quruxda weysada iyo sujuudda, ilaahayna wexeynu ka baryeynaa inuu innagu sugo cibaadadiisa iyo fahamka diinta ee toosan, qallooca fahamka diintana ilaahay naga ilaaliyo..

Dhibaatada ugu weyn ee qofka soo food saarta waa midda fahamka diinta inuu qallooc iyo qalad ka galo, taasoo dadaalkiisa marar badan ka dhigta hal bacaad lagu lisay, waayo, daacadnimo kastaa haddaaney faham saxa ee diinta la socon waa khasaaro meesha ugu dambaysa, daacadnimaduna keligeed meel geynmeyso..

La soco socdaalka Mozambique….
Sh Maxamed Idirs Ahmed

Halgan.net

16 Comments so far

Leave a comment

  1. asc walaalaha dhamaan iyo inta kheyrka jecel waxaan leeyahay ilaaah ha ina dhowro f.g, waxaan xasuusinayaa dhaman walaaalaha gaar ahaaan alsheekh maxamed idiris in muzambiuge dhibaato ey ku qabaan dadka somalida oo iskugu jira dil dhac iyo xarig marka culimadu waa iney dowr iska saaraan dhibaatada waxaan xitaa akhbaar ku maqlay in xerada numpula gabdho somaliyeed ku wacala dhaleen waana wax laga naxo waxaan la codsaneynaa in arintaas mas uuliyad la iska saaro dadkana loogu baaqo iney dalkoodii ulaabtan intey darbiyada jiifi lahaayeen waad mahadsan tihiin

  2. alaaha ha ku xafido yaa shiikhanaa aad iyo aad waxaan degaystaa muxaadiraad kaa maaar kasta iyo meelwaliba aakhiro iyo aduun ilaahay waxaan kuu waydiinyaa dambi dhaaf adig ehlagaag

  3. Asalamu Aleykum walaalkey Sheikh Mahamed IDiriis Allaha ku dhowrow cimirgaadana noo raajiyo walaahi baan ku dhaaratay intaad islaamka iyo somalida u qabatay in uusan qof somali ah uusan qaban 20kii sano Allaha kaa abaal mariyo maalinta qof walba la weydiinaayo waxa uu aduunayada ku sameeystay, anaga hadaannahey reer south africa waxaan ku heynaa abaal gooni waxii caqligooda dhaafsaneyn indhahooda kamahadlaayo waxaan kahadalayaa dalka caqliga saxiib ah garanayo qofka walaalkoood muslimka waxaa uu kamudanyahey, akhii barakaalahu fiika waa fii ahlkima wa fiicamlika wa fiicumrika, haka cajisan yeesan ku cajis kalin, waxaan rabaa in aan qiso yar oo Dr salmaan Alowda iyo dhalinyaro dhexmartay in aan ku sheego inaad maqasheyna waa suurtogal, Dr Salam Aowdah oo calim layaqaan mufakir isalaami ah ayaa soo booqdey south africa Durban muxaadaradii uu lahaa kadib, dhalinyaro somali ah ayaa gees ulabaxadey waydiisey waxaaa uu ka qabo jihaadka, walaahi cadiim waxaauu ku jawaabey, ninkii salaada jamacaada ku tukan waaye, armo yar yar oo sida gancasi iyo waxyaabihii yar yarkaa ku guuldarsay jihaadka oo ah camalka u sareeyey oo aan oganhey dhibadanyahey maxuu ka qabankaraa, qofka marka hore waa in uu ka soo baxayaa salaada jamacada salaadaha sunada soonka khamiista iyo isniinta marka uu intaasi oo dhan ku sabro ayuu aadi karaa jihaad waxaa uu yiri dad aan oganahey oo jamacadaii ku tukan la in ay jihaadka sabaryaan ilamahan. hadaba dadka sheikha wax ka sheegayow oo jihaad inaad wax ka qabneyso ismoodayow la imow waxa adiga ku yaala oo adiga lagaarabo haku mashquulin sheikh Mohamed idiriis camalkiisa waa uu ka soo dhalaaley sida uu uga soo dhalaaley buu malainta jihaadkana uga soo dhalaali Allaha ku barakeeyo sheikh Mohamed cimirgaadana noo raajiyo Allahum ma amiin Walaahi aad baan ku jecelahey Alle dartiis

  4. Jazaakallaah waxafidakallaah akhuuna wa shaykhanaa al-faadil, sabir waa dhibaato culumadii waayadaan wada haysata oo ay cagba ka qaadi la’yihiin kuwo magac diimeed sheeganaya hadana diinta iyo dadkeeda hagar daamaynaya. Walaalka abuu cali la baxay Sh.Maxamed Idriis wax ka hoos baxay ma jiraan ee wuxuu sheegay hadaysan ka harayn cirdigiisa inay dan ugu jirto oo uu xasanaat ka helayo hilibkiisa la cunayo. Wuu dulqaad badan yahay waayo waa madluum oo wuxuu awooday inuu Allaah intuu gacmaha u taago uu weydiisto in Ilaahay uu ka qabto sharkooda balse ma uusan samayn taas. Adigu walaal marka gar waa loo islaame waxba sheekha ha oran waxbaa kaa hoosbaxaye la soo hadal kuwaasi inay dulmiga joojiyaan hadaa taqaan, anaga waa naga yaabiyeen oo meel aanan garanayn ayaa looga yeerayaa oo waliba adigu hadal baad ka hadlaysaaye dhiigga culumada oo la banaysto ayay hada la soo bexeen. Sh.Maxamad Idriis isaga iyo ehelkiisaba Ilaahay ha xifdiyo aad ayaan u akhristaa maqaaladiisa iyo waliba nashaadka dacwigaa ee uu ku maro meelaha ay ku qaxeen dadka Soomaaliyeed oo uu had iyo jeer hoga tusaaleey.Ilaahay kuwa Culumada xagxaganaya oo dhiigooda iyo cirdigooda banaysanaya hasoo hanuuniyo hadduu khayr la doonay, haduusan khayr la doonin Allaah hanaga qabto sharkooda. Ilaahayow Culumada noo xifdi cilmigoodana nagu anfac, na solansiina inaan ka difaacno kuwa dulminaya Culumadeena noogana dhig darajo aan kuugu dhawaano jacaylka diinta iyo ehelkeeda, Allaahumma aamiin.

  5. as/x
    ilahay ha xifdiyo shekh maxamed idiris isagoo kalana umada islamka alaha ku badiyo marki saxwada laga wayo culumada oo ay dhintan baa la daremi culayska ay naga hayen sh cumar sh maxamed macalim sh ibrahim suulay sh muxumed haadi dhaman dhulka ayay ka hooseyan ilahay ha u raxmada
    SAYUDAKIRUNI QOWMII IDAA JADDA JADUHUM WAFI LAYLATI DALMAA I YFUFTAQADUL BADRU ilahay madaxada hanoo raajiya cimrigada alaha dhjereya shekh maxamed ilahay dartii baan ku bartay kuna jeclahay
    waxad iga helaysa sh axmed nuur agtisa insha,alah

  6. Xaashaalilaaaah Xuman Iyo Ceeb Kuguma ogin Kuwa arintas sameyayna waxaan leyahay Haathaa buhtaanun cathiim. waxaan ku faraxsanahay alada paltalka in aan ka xaqnay oo mantay aan culumo lagu caayi karin waxaanse u digayaa kuwa melahan wax ku qor qora hadaad joojin waysaan in xaqiiqadiina ay culumadu daboolayso aan banaanka keeni doono waligayna kuma hadlin hadal aanan fulin culumada allah ba ilashanaya iyo rag libaaxyo ah oo indhah aidin kala baxaya waxaan rajaynayaa in aad ka waan sami dontaan wsc wr

  7. asalamu caleeykum warax matullaahi wabarakaatuhu fadhiilatu shiekh maxamed idiriis allaah dartiis kuu jecelnahay allaahna hanoo badiyo adigoo kale sida aad u jeceshahay in umada midoowdo. shiekhuna kuwa hilibkaaga cunaayo ayagaa dhibeeysaa. balse adiga jeceylkaada umbaa nagu ziyaaday ilaahoow marqaati ka ahoow shiekh maxamed idiriis dartaada ujecelahay ilaahoow isku keen kulan sii janadaada. fadhiilatu shiekh waa abuudar from salt lake city utah waana ku sugeeynaa shiekhuna allaah hanoo kaa soo nabad cesho

  8. Bismilaah.

    As’allaamu Calaykum

    Walaalayaal Sh Muhammed Allaha Dhowro, anigu waxaan akhriyay maqaalo sheekhu ka qoray safaro uu ku tagay malaysia iyo Turkiya waxaana qaar magacoodu ahaa dadka wax garanayaa loogu tala galay, magacii oo sax ah ma hayo.
    Sheekh Muhammed ma faaninayo ee iga qora Somaalida ugu yaraan 20 sano ayuu ka horeeyaa. dalka Malaysia wuxuu sheekhu ka hadlay horumarka ummad badan oo kala diin ah kala dhaqan ah haddana meel gaartay, waxaan ka fahmay cilmi, daacadnimo iyo cadaalad inay jirto halkaas. Dalka Turkiya sheekhu wuxuu si film ii hor keenay arin aan 7 sano la socday oo ahay dagaalkey soo galaan Cabdala guul iyo Dayib (madaxweynah iyo Rasuul wasaaraha), labaduba dalkoodii meeshay gaarsiyeen waad aragtaan hadda caruurteenii aan ka laynay aabayaashood iyagan dhaawac nay ayay daad gurenayaa. waligaa ma aragtay siyaasi somaaliyeed oo xambaarsan ila qaxooti ah?

    aniga waxay ila tahay sheekha halaga faaiideysto. Sheekha waxaan oran lahaa dadkaan aad ka cabaneyso 15 sano ka dib ayay garan waxa hadda aad heysaso,oo garaadka, cilmiga, xikmada, taqwada, daacadnimada, iyo wanaagu qof meel buu u jooga.
    fii amaani laah
    Ustaad muhammed(Geele)

  9. culimadu iyadoo lawada caynayo bay cafiska qaataan curfigii saxaabada iyo culimaday cagaha sareen wa acrid canil jaahillin bay camal falaayaan dhamaan tood ilaahow wada cisee caadil baatahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  10. Akhristayaasha maqaalkan waxaan karaali galin faalada tan xigta,kasaraysa ee wadata magacayga Axmednuur waxaan ugutalagalay akhristayaasha somalireal,waxaa lagayaa baa hadaad aqrido faaladaydan halkan inaad iswaydiiso muxamad,Sheekh iyo Axmadwali ga lasheegayo away waa nimanka faalada kaqoray maqaalka sheekhaa Alfaadil Sh.mohamed idriis Axmed somalireal halkaasaan uwaday waxaa iiga dhacday gacanta cafwan

  11. Kanaxoow Naaqus,Sh.maxamed Idriis axmed wax xumaanah kuma sheegin maqaalkiisee ma magiciisaa lagaxanaaqay?ma horaa loosii xanaaqsanaa ? bal qormada dib haloogu laabto,muxamadoow adeer maxaad dhibsatay?.
    Walaalahayoow Sh.maxamed idriis wuxuu fulin amarka aayadaha kujira suuratu aala cimraan {137} iyo suuratu AL-ancaam {11} Alaah wuxuu ina amray inaan dhulka dhaxdiisa kusocono oon fiirino, kucibro qaadano siday kudanbeesay ciribtii kuwii alaah beeniyay.
    Walaalkay Axmed waliyoow waxaad tiri Sheekh maxamadoow aduunyo hanajelaysiinin walaal aniga siday ilatahay ninka aduunyada jecel waa ninka shaqaysta ee meherado furta ganacsi ee gurigiisa iska fadhiya kuraaxaysta walaal nin safar kujira marwalba ma umaleen inuu aduunyo kudadaali?.
    Walaalka wata muxamed iyo walaalka wata Sheekha waxaa dhaxmaray xarbun calal hawaa mubaasharatan tadaafucaaas iyo isreebreebkaas waa muhim .
    Akhristoow ma ogtahay madax waynihii aduunka ugu horeeyay eetaga Dalka Mozambique inuu ahaa maxamed Siyaad bare mase ogtahay ilaa 7 wadan oo qaatay madax banaani xiligii siyaad bare hayay ururka afriga1974-1975 xornimadeediina qayb libaax uukaqaatay jaaluhu inay kujirto Mozambique

  12. Bismilaah.

    As’allaamu Calaykum

    Sheikh Maxamed Allaah ha xifiyo hana barkeeyo qof kasta oo caqli leh waa uu garan karaa dowrka uu dacwada iyo waxtarka bulshada uu kaga jiro, dadka wax magartada ah ama da’yar ha ahaeen ama ciroolayaal intuba waa sidauu sheikhu shegay oo waqti uma uu hayo waayo hawsha uu hayo ayan u masaabaxay iyo taqwada rabi siyey, waxaan xusayaa labo hadaloo sheikha qoraalkiisa ku cad iyo sida sheikhu u asiibay waxana ka qaadan karaa dersi lama ilwaan ah.

    1:Sheikhu waxu yiri mar sakta oo ay dacaayad ay furaan waxaa ii kordha misaan iyo martabad taas waa run waayo waxaan arkaa in badan oo mushatmaca ka mid ah ama marka laga reebo tiro yar oo anan xisaabin karin inta ay yihiin moyee ay sheikh u duceyaan wagii hore dad baa dagaalami jirnay balse in badan waxaan isku qancinay dhowanahaan mah maah oranaysa( war la qabaa xiiso maleh ama nin doon ah ayaa dhumay markii la helay ayuu yiri beraan dhumine maxaa la iga soo helin) taas macnaheedu waa maxaa la iiga nastexayn diinta waan garab maraye waxana xaqiiqo ah qof banastay cirdiga islaamka khaasatan kan culimada in uu mugdi dhax fadhiyo iyo jahli xadshaaf ah waxaana ka baryin allaah in uu awalan ka qabto naftioisa iyo umada gaar ahaan culimada.

    1:Arinka labaad oo sheikhu ka sharqamiyey waxuu ahaa waxaan ka xisaab san ajar taasna waa arin muhiim ah oo qof isagu xoola la ordaaya in badana loo sheegay in isaga cid uga baahi badan aysan jirin balse isagu iska qubaaya hadee in ay xolahaas sheikh si hib yar ugu waregaan anaga oo dhan ayaa ku faxsan waayo waxaan oran karaa waa fadli sheikha Ale la donay cid walbaa ma heli karto.

    Ugu dabbaytii waxaan sheikheena qaali ah u shegaynaa anoo ku hadlaaya magaca muslimiin badan oo isaguba yaqaan in aan angu ka raali gelinaya
    kun jeer iyo ka badan wax magaratada ama ha weynadeen ama ha yaradeen wax ay ku qoraan xashiyaha iygoo aan ka fiirsana aana hubo in ay ka shalyaan waa hadii ay ku jirto damiir islaan nimo iyo diin waxuunaaya.

    Waxay is dhahaan sheikha wax ka sheega balse waxay dhawacaan in badan oo muslimiin ah qalbigooda iyo aragooda halkaasna waxaa uga socota dunuub faro badan waxayna ka dhaxlaan damiir xumo iyo in caqligoodu hoos u dhaco.

    Waxaan Alah uga baryin hanuun hadii Ale u qoray hadii kalena in Allaah umada shartooda ka qabto.

    Aad iyo aad ayuu ugu mahadsan yahay sheikh macluumaadka uu noo soo qoray Allaah misaanka xasanaadka ha u saaro waxayna qab ka tahay dadaalka uu ugu jiro in uu umadaan garab istaago si ay aqkhiro iyo aduun wax uga noqdaan.

    Waxaan naftayda iyo tiina u dar daarmin cabsida Allaah iyo in aan ku toosnaano jidkiisa dhamaan umada meel walba ayjogaan allaah qalbigeena xaqa haku sugu waxii aan hanuun u dhimanyen Allaah hanaga qabto shartooda.

    UmmuRamla@hotmail.com

  13. ascwrwb, sheikh m idriis allaha ku dhowro cadawgana allah kaa qabto anaga iyo islamkana waxad no qabatay allah miisankaga kuu saaro malin loo baahan yahay hal ajar xitaa..sheikh aad ayaan ugu faraxsanahay macluumaadkan aad noo soo qortay wallahi waan iska ooyayay markaan akhrinayay sababtoo ah war uma hayn inay wadamadaas muslimiin ku nooshahay islamkana allah ayaa kor ka dhigayo insha allah waad ku mahadsan tahay. anaga oo dhan somali ayaad matalaysaa. waxanse ku dardarmayaa inaad sabarto insha allah dacwada is not easy naf iyo maalba waa loo huray waxadna ogata dadka xanuunsan ee sufahada ah ee aan ceebahooda u muuqan tan dadka mooyaane ianayan dadka wanaag u ogalayn wax walbo waa laguugu xasdayaa xitaa cilmiga khuluqa taqadumka iyo wax walboo wanaaga insha allah kheyr badan yayaan ku rajaynayaa allaah haku dhoro diintiisana hakugu sugo dhamanteenba aamiin aammiin insha allaah……..

  14. Asalamocaleykom wr. Salaan ka dib sheekhana fadil ha moodin dadka caaya in ay wada yihin da,yar waxa ka booxa ciroolayal aan naqan oo aan anigu arkaywaliba juhaala ah diintuna aysan u bilwneyn, qaar waab wadayal ka sheqeeya tax ulama jeedo tax shaqadiisa xaram ah inkasta qaar culumada ay xaraantimeeyen, waxan ula jeeda xataa aamanada ya ka helaan taxsiga gudihisa ma xafdiyan oo waa qaatan oo gatan wallah wa wax an arkay siiba kuwasi wax ya u badan yihin masaajidka . waana in an kala sarana dadka masaajidka u badan oo cilmiga ka qata iyo kuwa u badan oo culumda ku XANATA ASCW QORAALKAN WAXA UGU XAMBAARAY SHEEKH DAACIGA QAALIGA AH AYA WAXA UU ISTICMALAY DA,YAR KALIYA

  15. MaashaAllaah!!!, Fadiilat Sh Muxamad Idriis Allah hakaa abaal mariyo dadaalkaa aad wado miisaanka xasanaadkana Allaha kuu saaro, akhbaarta wanaagsan ee aad noo soo tabinayso meel kastoo aad tagto waxay faraxgalinaysaa qof kastoo Muslim ah oo fitradiisu ay saliimtahay. Waxaan u sheegayaa walaalaha difaacaya culimada Ummada, idinkana Allaha idin barakeeyo, Xadiis qiima badan ayuu suubanihii NNKH ku sheegay(MACNAHA XADIISKA) : in quluubta loo bandhigo fitno, oo markaas qalbigii fitnadaas ku dhaca dhibic madow lugu qoro qalbigii diidana dhibic cad lugu qoro ilaa marka dambe ay noqdaan laba qalbi mid isagoo dhan madow oo sidii digsi dabadiis u eg, hadana foorara (KAL KUUZI MUJAKHIYAN LAA YACRIFU MACRUUFAN WALAA YUNKIRU MUNKARAN ILAA MAA USHRIBA MIN HAWAAH) oo aan wanaag garanayn xumaana aqoon ilaa waxii hawadiisu istustay maahane, iyo Qalbi aysan fitno waxba ka dhimayn waligeed. Waxaan ogsoonahay in waxyaabaha ugu qiimaha badan ee qofku aakhiro ku nabadgalo inay tahay “Qalbi Saliim ah” oo ah qalbi ka nabad galay cudurada qalbiga ku dhaca oo ay ugu weyn tahay Shirkiga, Xasadka iwm.

  16. Asc wr wb … maqaalku waa dhag dhag balse hal meel sheekhu waa ay ka hooos baxday: Allaahna ha u dambi dhaafo hadalkaas wuxuu ahaa:

    marka waxaan ka codsanayaa iney hilibkayga si fiican ugu casheeyaan, uguna qadeeyaan, had iyo goorna fagtaan, taasoo mar walba ii noqoneysa ajar badan oo aanan shaqysan kareen, taasna waa ku mahadsanyihiin.

    Qof muslin ah, xumaan laguma booriyo, lamana waydiisto, loogumana mahadnaqo, si walba oo aad isaga soo hor jeedaan.
    Allaahna wuxuuu yiri (Wa an tacfuwa aqrabu lid-taqwa) (alaa Tuxibbuuna an yaqhfirallaahu lakum).
    Allow noo wada dembi dhaaf aamiin

Leave a comment

*