Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed oo u dhoofay dalka Sudan
March 18, 2012 - Written by
Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta duhurnimadii ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aden cadde ee magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Sudan.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa casumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Sudan Jen Cumar Xasan Al-Bashiir waxaana uu ku sugnaan doonaa dalka Sudan maalmo dhowr ah isaga oo uga sii gudbi doona dalka Jabuuti.
Dowlada Sudan ayaa waxay u balan qaaday DFKM in ay tababar kala duwan ay siin doonta ciidanka Booliska ee DFKM iyo dhaqaalada kala duwan ee ka shaqeeya wasaaradaha DFKM .Labada Madaxweyne ayaa waxay ka hadli doonaan xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net