Xal laga gaaray Colaadii Qardho iyo Madaxweynaha Puntland oo gaaray Rako-raaxo
March 19, 2012 - Written byQardho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa sheegaya in xal laga gaaray colaadii u dhexeysay laba beelood oo walaalo ah kuwaas oo ay dhexmareen dilal ku saleysan aanooyin qabiil.
Waxgaradka iyo Isimada Puntland iyo madax ka tirsan Puntland oo uu horkacayey Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro colaad u dhexeysay laba beelood oo wada degan magaalada Qardho.
Wasiirka arimaha Gudaha ee Puntland Gen.C/laahi Axmed Jaamac (Ilkojiir) oo la hadlay idaacadda BBC-da kana mid ah wafdiga Madaxweynaha Puntland ee jooga Qardho ayaa sheegay in heshiis laga gaaray dhaqaaqadii ka dhacaday magaalada Qardho.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u baqoolay deegaanka Rako-raaxo oo ay dagaalo ku dhexmareen laba beelood oo walaalo ah oo wadaaga ardaaga .Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Rako-raaxo waxaana uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo isimida labad beelood ee wax kala tabanaya.
M_M Deeq
Halgan.net