Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo maanta gaaray magaalada Baydhabo
March 21, 2012 - Written byBaydhabo:-Sarakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo hordhac ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay kuwaas oo soo qiimeyn doona goobaha ay degi doonaan ciidankaa AMISOM ee dhawaan la geyn doono magaalada Baydhabo.
Saraakiisha AMISOM ee Baydhabo tegay ayaa waxay u kala dhasheen wadamada Ugandha iyo Burundi waxayna gaarayaan ilaa 5 sarkaal kuwaas oo kulamo kala duwan la qaadan doona saraakiisha ciidanka Itoobiya ee haatan heysta magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.
Saraakiisha AMISOM ee tegay saaka magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo dhaweeye garoonka diyaaradaha ee magaalada masuuliinta gobalka iyo kan degmada waxaa sidoo kale ku sugnaa garoonka taliyaha ciidanka Itoobiya ee magaalada Baydhabo Jen. Yohannes .
Ciidanka AMISOM ayaa waxaa la geyndoonaa dabayaaqada bisha April magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM.
C/casiis Maxamed
Halgan.net