Meydkii Madaxweynihii hore ee DFKM oo laga soo dejiyey magaalada Gaalakcyo.(Sawiro)
March 25, 2012 - Written byGaalkacyo:-Waxaa dhawaan laga dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo meydkii Madaxweyni hii hore ee DFKM Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka dib markii Salaadii Janaasada looga soo Tukada magaalada Muqdisho , diyaarada lagu siday meydka Madaxweynihii hore ee DFKM Col.Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa la socday madaxda ugu saraysa ee DFKM gaar ahaan Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif , Ra’iisul wasaarahiisa Dr.Cabdi Maxamed Cali ,Gudoomiyaha baarlamaanka Puntlland Cabdirashiid Maxamed Hersi, Gudoomiyaha Maxkamada sare, Xilibaano iyo wax garad kale oo ka soo raacay magaalada Muqdisho.
Aaska loo sameeyey Madaxweynihii hore ee DFKM Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa kale oo maanta ka soo qayb galay Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Gen Cadde Muuse Xersi Madaxweynihii hore ee dowllada Puntlland, Madax ugu saraysa maamulka Gal-mudug iyo Ahlusunah Waljamac, siyaasiyiin aad looga yaqaan magaalada Gaalkacyo iyo Isimada iyo Nabadoonada Gobolka Mudug.
Garoonka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa meydkii Madaxweynihi hore DFKM ahaan Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntlland Col. Cabudllaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxda DFKM ku qaabilay Madaxweynaha Puntlland iyo wafdi la socday oo ka kooban Golahiisa wasiirada, xilibaano ,Saraakiil ciidan iyo Isimo.
no images were found
Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisa ayaa shalay soo gaaray magaalada Gaalakcyo ee xarunta Gobolka Mudug si ay uga qayb galaan aaska Madaxweynihii hore ee Puntlland Col.Cabdullahi Yuusuf oo la go,aamiyey in lagu aaso magaalada Gaalkacyo. Ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa adkeeyey amaanka guud ee magaalada iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.
M_M_Deeq
Halgan.net