Madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle Muxudiin Xasan oo caawa dil ka badbaaday
March 25, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa dil uu ka badbaaday madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle, Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni) ka dib markii ay labada dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan ay weerareen isaga oo maraya agagaarka Shaneemo Muqdisho kuna sii jeeda gurigiisa
Madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle Muxudiin Xasan oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada dhalinyaro ee soo weerartay uu mid ka mid ah ay ku adkaatay in uu si degdeg ah ula soo baxo bistoolada ka dibna uu cagaha wax ka dayey Muxudiin Xasan Madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle xabado ay ka daba rideena uu dhaawac ka soo gaaray.
Ciidamada DFKM ayaa soo gaaray goobta lagu weeraray Madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle Muxudiin Xasan waxaana sidoo kale goobta yimid ilaalada gudoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Daaci .
Waxaa goobta ka baxsaday ragii weerarka ku qaaday madaxa wararka ee idaacadda Shabeelle, Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni) mana jiraan cid si rasmi ah u sheegatay weerarka caawa lagu khaarajin lahaa Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni)
C/Casiis Maxamed
Halgan.net