Ciidamada DF kuwa Itoobiya oo soo gaaray Goobo iyo dagaal ka socda Ceel la-helay
March 26, 2012 - Written byHiiraan:-Warar goor dhow na soo gaaray gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo itoobiyaan ah iyo kuwa DFKM ay saaka soo gaareen deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraanwaxaana dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdaa duleedka Maxaas halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dhanka kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa ahlu suna ayaa aad ugu soo dhawaaday Degmada Ceelbuur waxaana ay haatan soo gaareen meel aan sidaa oga fogeyn deegaanka Ceel la-helay oo qiyaastii 40-KM u jira degmada Ceelbuur, waxaana dagaal kala hortagay ciidamada Al-Shabaab .
Wararkii ugu danbeeyey ee soo gaaray warqabadka Halgan.net ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo duleedka deegaanka Ceel la-helay waxaana si weyn loo maqlayaa Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku ah Degmada Ceelbuur.
Dadweynaha ku dhaqan Degmada Ceelbuur ayaa waxaa la soo daristay cabsi iyaga oo ka cabsi qaba ciidamada Itoobiya ee ku soo wajahan Degmada Ceelbuur .
A/Cawale
Halgan.net