Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusuna oo la wareegay Degmada Ceelbuur
March 26, 2012 - Written byCeelbuur:-War haatan naga soo gaaray gobalada Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo kaabaya kuwa Ahlu suna ay la wareegeen Degmada Ceelbuur waxaana ka baxay magaalada Ciidamadii ururka Al-Shabaab ee in mudo ah gacanta ku hayey Degmada Ceelbuur iyo deegaano ku xeeran.
Sarkaal ka tirsan Ahlu Suna Cabdiweli Siyaad ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusunna ay maanta Ururka Al shabaab kala wareegeen, Degmada Ceelbuur, Ceelgaras, Ceel La Helay iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Ciidamada Al-Shabaab ayaa waxay ku sugan yihiin meel aan sidaa uga fogey Degmada Ceelbuur wili wax war ah kama soo bixin masuuliinta sare ee Ururka Al-Shabaab gaar ahaan kuwa gobalka Galgaduud.
A/Cawale
Halgan.net