Dagaalo iyo Duqeymo culus oo wili ka socda Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir
March 30, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus iyo duqeymo khasaaro leh ay ka socdaan qaybo kala duwan oo ka mid ah duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada AMISOM oo taageeraya kuwa DFKM iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa guulo ka sheegtay ciiidamada AMISOM iyo kuwa DFKM .Afhayeenka Ciidamada AMISOM Paddy Akunda ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawladda ay dagaalkii maanta kula wareegeen qaybo badan oo kamid ah degmada Dayniile gaar ahaan garoonka diyaaraha Dayniile, xarunta degmada, Isbitaalka Dayniile, Gurigii Maxamed Qanyare Afrax iyo deegaano badan oo ka tirsan Degmada Dayniile ilaa hada Ma jiraan wax cadeynaya guusha uu sheegtay Afhayeenka AMiSOM.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Paddy Akunda ayaa mar wax laga weydiiyey in uu ciidankooda soo gaaray Khasaaro wuxuu sheegay in ay jiraan khasaaro balse uu dib ka soo sheegi doono marka ay dhamaadaan howlgalada.
Dhanka kale waxaa xiran oo ay duqeymo ka socdaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo duleedka degmada Dharkeynlay,Wasiiru Dawladaha wasaaradda Difaaca ee DFKM ayaa sheegay in dagaalka ay guulo la taaban karo ka gaareen ciidamada DFKM.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalada ay maanta la galeen ciidamada AMISOM ay u geysteen khasaaro xoogan ayna ka gubeen 3-gaari oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM midna ay ka gabsadeen mar uu u waramay wakaalada wararka ee AFP.
Dagaalada iyo Duqeymaha ayaa wili ka socda Dayniile waxaana Madaafiic ay ku soo hoobaneysaa deegaanada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha waxaana madaafiicdaas mid ka mid ah uu ku dhacay guri ku yaal Ceelasha Biyaha waxaana ku dhintay 4qof.
A/Cawale
Halgan.net