Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland daah-furka Machadka Cilmi baarista iyo Tababarada ee KAAD

June 25, 2020 - Written by Editor

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada DPL, Wasiiro & Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay daah-furka Machadka Cilmi baarista iyo Tababarada ee KAAD kaas lagu kobcinayo karaanka aqoonta, xirfadaha iyo awoodda dadka.

Machadkaan oo ay aasaaseen koox aqoon-yahano & cilmi baarayaal isku fikir ah, kuwaasoo hore xilal uga soo qabtay Dawladda Puntland & Hay’adaha caalamig ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo daah-furay Machadkaan ayaa ammaanay cidkasta oo lahayd hal abuurkiisa, wuxuuna ku booriyey cidkasta oo dalka xil kasoo qabata inay marka ay ka degto dalka usii shaqayso.

Guddoomiyaha ayaa boogaadiyay muhiimada ay leedahay in Puntland ay hesho Machadkaan oo kale kaas oo ka shaqeeya Kaluumeysiga, Cilmiya Badda, Beeraha, Biyaha, dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka.

no images were found

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online