Madaxweynaha PL oo taageery go’aankii golaha wakiilada Puntland.[Video]

June 30, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo: 01 Luulyo 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay caawa Munaasabadda Xuska Sanad guurada 60-aad ee Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo hadda ah Guddoonka Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland , Saraakiisha Ciidamada , Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacayo, odeyaaasha dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Qurbojoog, kooxaha Fanka ee Puntland iyo dadweyne kale .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadal jeedintiisii caawa kaga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuu Madaxweynuhu taageeray go’aankii Baarlamaanka Puntland kasoo baxay 29-kii June ee ku saabsana tallaabooyinka aan sharciga waafaqsaneen uu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo calanka saaray saacadu markay gaartay 12-kii habeenimo. Intaasi kadibna waxaa uu ubax dhigay Taalada Calanka ee Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online