Golaha Wakiillada Puntland oo uu hor-yimi Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga
December 6, 2020 - Written by EditorGaroowe:- Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange.
Wasiirka oo uu wehliyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Caydiid ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha u degsan, wax yaabaha u qaab-soomay iyo weliba mashaariicda ka socota guud ahaan Gobollada Puntland.
Intaa ka dib, Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland