Saraakiil Ciidan oo lagu dilay gobolka Galgaduud.
December 9, 2020 - Written by EditorBallanballe:-Wararka ka imaanaya degmada Ballanballe ayaa sheegaya in maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar dhaba gal ah ay ku dileen ilaa 6 Sarkaal oo ka tirsan qaybta 21aad Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarka ayaa lala beegsaday gaadiidka ay saarnaayeen Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii ay ka soo laabteen Xerada tababarka ee Xoosh ee degmada Guriceel waxaan ay ku sii jeedeen qoysaskooda oo deganaa degmada Ballanballe.
Saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dilay ayaa waxaa la doonayey in loo qaybiyo qaybha kala duwan ee ciidamada maadaama ay soo dhamaysteen tababar dhinac ciidanka ah.
Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka dowladda Fedraalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gal-Gaduud marka laga reebo in ay xaqiijeen dilka Saraakiisha ayna socoto baaritaan.
A/cawaale
Halgan.net