Wasiirka Arrimaha dibada DFS oo soo gaaray Garoowe.[Video]
December 10, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Arrimaha dibada dawladda Federalka ee Soomaaliya Dr Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland , wafdiga wasiirka Arrimaha dibada dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu hordhac u yahay socdaal uu Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku imaan doono magaalada Garoowe maalinta beri ah.
Wafdiga ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo gaaray Garoowe ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibada , wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, la taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo Abdi saciid iyo 2 xubnood oo Ra’iisul Wasaare Rooble u ah la taliyaal iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net