Madaxweynaha Gal-Mudug oo magacaabay gudi xaqiiqo Raadin iyo & Baaris oo loo xilsaaray dhacdadii argagax laheyd ee ka dhacday Degmada Balanbal.
December 11, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa falkii argagaxa lahaa ee dhacay 9/12/2020 oo dil loogu geystay saraalkii ka tirsanayd ciidanka XDS ee ka howlgala Dowladda Galmudug ayaa u magacaabbay guddiga xaqiiqo raadin & Baaris si loo helo baaritaan dhab ah oo la xiriira dhacdadaas.
Gudigan waxaa hoggaan u ah Wasiirka Amniga Gudaha Md Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose Md Cabd Maxamed Jaamac Waxaana xubno ka ah; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha M/Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.
Guddigan ayaa laga filayaa in ay soo aruurin doonaan xog dhab ah taas oo suurto galin doonta in danbiilayaashii cadaaladda la horkeeno lana marsiiyo waajibaadka ay mudan yihiin.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA.