Wasiirka Maaliyadda Puntlanad iyo Taliye ku xigeenka ciidanka daraawiishta PL oo booqday xerada tababarka ciidanka Abqaale.[Masawiro]
December 14, 2020 - Written by EditorDegmada Xarfo:- Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna Gudoomiyaha Gudiga dib uhabaynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo oo uu ka mid yahay Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta S/Guuto Mudne Axmed Cali Salaad ayaa gaaray Degmada Xarfo oo ka tirtsan Gobolka Mudug.
Gaarista degmada Xarfo ayaa salka ku haysa booqasho ku aadan u kuurgelida xaalada Ciidamada tababarka ugu jira Dugsiga Ciidamada ABQAALE.
Waftiga uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Gudiga dib uhabaynta Ciidamada, inta ay ku sugan yihiin Gobolka Mudug ayaa lafilaayaa in ay booqan doonaan dugsiyada kale ee ay ka socdaan Tababarada Ciidamadu.
no images were found
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland