Madaxweynaha Puntland oo warbixin ka dhegaystey guddiga Duufaanta Gati.[Masawiro]

December 15, 2020 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Dowladdu u xilsaartay duufaantii GATI.

Gudiga ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey saamaynta khasaare ee ka dhalatay duufaantaasi oo ku dhufatay gobolada Gardafuu, Bari iyo Karkaar, waxay xaqiijiyeen in shacab ku nafwaayeen, xoolo tiro badan ay ku le’deen, iskaashatada kalluumaysataduna ku waayeen dad iyo qalabba, guryo iyo duunyo kalena ay waxyeelaysay.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey safarkii Guddigu ku tageen Goboladaasi iyo shaqada guddiga ee hordhaca ah, wuxuuna faray Hay’addaha Dowladda in guddiga lagala shaqeeyo gurmadka iyo sidii dadka waxyeeladu gaartay wax loo gaarsiin lahaa.

no images were found

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online