Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo sharci daro ku til maamtay xil ka qaadistii Gudoomiyaha Degmada Dhahar

December 17, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay cadeynaysaa in xilka qaadista Gudoomiyaha Degmada Dhahar uusan ahayn mid loo maray sifo waafaqsan qawaaniinta iyo habraacyada sharci yadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee ku xusan sharciga Law Number-7 iyo xeer hoosaadka lagu maamulo golayaasha Degmooyinka Puntland.

Sidaas darteed Wasaaradda waxay ku wargalinaysaa dhamaan inta ay warqadaan sida tooska uga socoto iyo inta ogaysiinta kulehba in go’aanka xubnaha Golaha deegaanka Degmada Dhahar ay 16 December 2020 ku sheegeen inay xilka Gudoomiyenimo kaga qaadeen Gudoomiyaha Degmada Dhahar uusan ahayn mid loomaray sifo waafaqsan qawaaniinta iyo habraacyada sharciyadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee ku xusan sharciga Law Number-7 iyo xeer hoosaadka lagu maamulo golayaasha Degmooyinka Puntland.

Ugu danbeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay ku wargalinaysaa xubnaha Golaha deegaanka Degmada Dhahar inay sharciga iyo qawaaniinta ay ku dhisan yihiin ay ilaaliyaan, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo hab dowli ah wixii go’aan masiiri ahna loomaro tubta iyo habraacyada sharci.

Fulin wacan.

no images were found

=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online