Madaxweyne JFS oo ka tacsiyeey Saraakiil ku dhintay qarax ka dhacay Gaalkacyo

December 18, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee Ururka 6-aad ee guutada 10-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa difaaca, nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.

Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawac yadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah.

——–DHAMMAAD———-

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online