Madaxweynaha PL oo degmada Qandala u magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen ku meel gar ah.

December 19, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-62 ugu magacaabay degmada Qandala Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu garowsaday: In uu dhintay Guddoomiyihii Degmada, walina aysan suurto galin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub.
Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Qandala.
2. Waxaa Maxamed Jaamac Muuse (Cadaysay) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Qandala.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online