Dhismaha Markazka Cali Fiqi ee magaalada Jigjiga oo maraya Bilowgiisii 1-aad dhameystirna u baahan (Masawiro)

December 20, 2020 - Written by Editor

Jigjiga:-Dhismaha Markazka Cali Fiqi oo maraya Bilowgiisii 1-aad, dhameystirna u baahan Magaalada Jig –jiga ee caasimada Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socda dhismaha Markaz weyn oo lagu magacaabo “Markazka Cali Fiqi” ee Fidinta Diinta Islaamka. Mashruucan ayaa ka kooban 3 qeybood oo kala ah:
1- Masjid 3 dabaq ah oo cabirkiisu yahay 50 x 50m2, ayna ku tukan karaan Rag Iyo Dumar, wuxuuna noqonayaa Masjidka ugu weyn xiligan Magaalada Jig- jiga.
2- Madariso Quraan iyo Machad Sharci ah oo lagu baran doono Diinta Islaamka.

3- Maktabad Iyo Maraafiq kale oo raacsan Markazka. Dhulka Markazka laga dhisayo oo badkiisu dhan yahay 100 x 100m2, kuna yaala xaafada 7-aad ee magaalada waxaa waqfay qoyska reer Cali Fiqi, wuxuuna sharciyad buuxda ka haystaa:
1- Golaha Islaamka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida
2- Xafiiska Xeer-ilaalinta guud iyo cadaalada
3- Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Suldaanka Qoyska reer Cali fiqi ee waqfay dhulka Suldan Max’ed Suldaan Buseyri ayaa balan qaaday in dhismaha markazka ay si buuxda u garab istaagayaan wuxuuna yidhi“wixii nalooga baahdo Masaajidka iyo howshiisa Insha Allaah kuwo Afarta koona ka istaaga oo la shaqeeya Allaah ha inaga dhigo…Insha Allaah, Hirgalintiisa iyo Howshiisa waanu ka shaqeynaynaa, ma noqonayso mid gudiga kaliya lagu daayo ee waxay noqon mid dhamaanteen hareeraha ka wada istaaga”.

Gudoomiyaha Golaha Islaamka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Sheekh Axmed Aabi Mataan oo dhagax dhigay Markaska isla markaana kalimad ka jeediyay xafladii lagu dhagax dhigayay ayaa Duco iyo bogaadin u jeediyay qoyska waqfay dhulka & gudiga wada dhismaha Masjidka wuxuuna yidhi:
“Dadkii soo qaban qaabiyay iyo dadkii soo hindisay iyo dadkii xoolahoodaba ku bixiyay ilaahay khayar ha siiyo Jazaakumullaahu khayran baan leenahay” Fadiilata Sheekh Max’ed Cabdi Umal ayaa dadka Muxsiniinta ah ugu baaqay ka qeyb qaadashada dhismaha Markaska Cali Fiqi wuxuuna yidhi:

“Walaalaha Khayrka jecel, Akhyaarta, Jimciyaadka, Shakhsiyaadka lagu yaqaano wanaaga iyo khayrka In Mashruucaas istaajintiisa laga qeyb qaato Insha Allaahu Tacaalaa, walaalahana garab iyo gacan lagu siiyo anagoo ilaahay Tabaaraka Watacaalaa ugu dhawaanayna” Sidoo kale Culimada Baaqa diraysa waxaa ka mid ah Fadiilatu Sheekh Bashiir Axmed Salaad wuxuuna yidhi:

“waxaan u istaagnay Meeshaan inaan ugu baaqno Dadka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muxsiniinta inay u istaagaan dhisidda iyo ka qeyb qaadashada Masjidka Cali Fiqi oo ku yaala Magaalada Jig-jiga,

Masjidkaas oo runtii dhul fiican loo hayo oo waqaf ah oo Masjid iyo Markaz iyo Madraso iyo Dugsi Qur’aan oo waxaas oo dhan isku ah, oo u baahan shaqo fiican in laga qabto halkaas oo ay baahi diineed ka jirto, oo duruufo gaar ah ay ka jiraan, oo gurmad gaar ah nooga baahan oo deg deg ah ayaan ugu baaqeynaa dhamaan Soomaalida kuwa gudaha jooga iyo kuwa jaaliyadaha dibada jira dhamaantood inay u soo gurmadaan sidii masjidkaa loo dhisi lahaa iyo Machadkaas iyo dhamaan maraafiqdiisa”.

Culimada iyaguna Baaqaas diray waxaa ka mid ah Sheekh C/naasir Xaaji Axmed wuxuuna yidhi:

“Dadka Muslimiinta ah ee uu codkaygu gaadho dibad iyo gudaba waxaynu ku baraarujinaynaa Masjidka Cali Fiqi ee Jig-jiga ku yaala oo loogu tala galay in laga dhiso Machad, Madriso, Malcamad quraanka lagu barto iyo maraafiq,…

waxaan muslimiinta u sheegaynaa oo leenahay Meeshaas halaga qeyb qaato, Markazkaas oo rag ducaad ah oo culimo ah oo lagu kalsoonyahay gacanta ay ku hayaan”.

Ugu danbeyntii Dhismaha Masjidka oo bilowday 01/Rabiicul Awal/1442H, waxa uu hadda marayaa Bilowgiisii 1-aad, waxaana dhiman dhameystirkiisii iyo bilaabida qeybaha kale ee Markaska.

no images were found

Jigjiga
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online