Shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo lagu magacaabay 2 gudi
March 1, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddiyo u magacaabay qabanqaabada bannaanbaxyada Midowga Musharraxiinta iyo Baaritaanka Dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021.Ka dib kulan uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay midowga musharixiinta kaas oo dhammeystir u ahaa heshiiskii 25-kii Febraayo ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu magacaabay labo (2) guddi oo isku dhaf ah oo midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.
Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Midowga Musharixiinta waxay kala yihiin;
1. Xasan Xundubay Jimcaale
2. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
4. Daahir Maxamuud Geelle
5. Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
6. Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)
Magacaabista Guddigan ayaa salka ku haysa kadib markii ay heshiis ku gaareen Ra’iisul Wasaare Macamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta in si wadajir ah looga shaqeeyo abaabulka bannaan bax nabadeed iyada oo laga taxadarayo halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran xaaladdaas, lana raacayo tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka.
Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble magacaabay ee baaraya dhacdooyinkii 19kii Febraayo ayaa ah min 3 xubnood oo ka socda Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharrixiinta waxayna kala yihiin;
1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
6. Xuseen Macalin Maxamuud
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.
—-DHAMAAD—-