Ciidanka amniga Gaalkacyo oo qabtay Dhagarqabayaashii dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan
March 6, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug Abduladif Muuse Nuur oo ka waramay Howlgalo iyo baaritaano ay sameeyeen maalmihii u danbeeyey Laamaha Amniga Gobolka Mudug waxay ku guulaysteen oo ilaahay u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigneen dambiila yaashii gaystay Falkii waxuushnimo ee gaadmada ahaa oo ay kooxaha naflacaarigaa ee Al-Shabaab ku dileen Allaha unaxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Abduladif Muuse Nuur ayaa waxaaa uu ugu hambalyeeyey Laamaha amniga ee Gobolka Mudug in ay gacanta ugu soodhignay Shabakadii Argagixiso ee dhowr iyo tobanka sano daadinayey dhiiga haldoorka Gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Abduladif Muuse Nuur ayaa xusay in sharwadayaasha dilay Jamaal Faarax Aadan ay ku biiri doonaa, waxayna wajahayaan sharciga ciqaabta ay leeyihiin bayna marayaan, wayna soo dhamaatay wakhtigii inta dil ay gaystaan Argagixisadu laga hari jiray, inta ka hadhay ee naflacaarigaana guri iyo goob kasta oo ay kaga jiraan Gobolka Mudug ayey Ciidamadu ugu gali doonan insha allaah, waana uga mahad celinayaa sidda hufnaanta leh ee ay shacabku ula shaqaynayaan Laamaha Amniga Gobolka Mudug.
A/cawaale
Halgan.net