Hoobiyal lagu weeraray Xerada Xalane ee Muqdisho
March 9, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaray saaka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar loo adeegsaday Hoobiyaal lagu qaaday Xerada Xalane ee ku taal xayndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Wariyaasha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo tabiyey in 5 ilaa 6 Madfac ay ku soo dhaceen Xerada Xalane xil maanta ay soo gaareen wufuud hor dhac ah oo ka socda Puntland iyo Jubaland.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Xerada Xalane mana jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee Muqdisho iyo weliba Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
A/cawaale
Halgan.net