Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaaday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya [Masawiro]
March 10, 2021 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam,ayaa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre waxaan ay ka wada hadleen Xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashoyinka , amniga iyo weliba shirka wadatashiga qaran ee la filayo in maalmaha soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Kulanka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan Warbaahinta wax xog ah ka helin marka laga reebo in kulanku ay uga doodeen qaabka ugu sahlan ee loo maarayn karo khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka iyo is mariwaaga ka dhex jira Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo musharaxiinta.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa kale oo hoyga u ka degan yahay magaalada Muqdisho waxaa ku soo booqday Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud iyo Sh Shariif Sh Ahmed.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale kala sheekeysata madaxweynaha Jubaland xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyago u jeediyey codsigooda ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah la iskuna waafaqsan yahay.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, kulankuna waxaa uu ka dhacay hoyiga Madaxweynahu uu ka degan yahay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net