Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug oo laga waraystay qarax ka dhacay Gaalkacyo.[Dhagayso]
March 16, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa faah-faahiyey qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, qaraxaas oo lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidanka Sirdoonka Dowladda Puntland oo lagu magacaabo Warsame Yuusuf Axmed.
Taliyaha ka tirsan Sirdoonaka Dowladda Puntland ee Gobolka Mudug Warsame Yuusuf Axmed ayaa ka badbaaday qarax , mana ah markii ugu horaysay ilaa 5 jeer oo hore ayuu ka bad baaday isku day dil loo adeegsaday qarax lala eegtay.
Hoos ka Dhagayso waraysiga Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire.
M_M_Deeq
Halgan.net