Gudoomiyaha gudiga Dib u habaynta Ciidamada Puntland iyo wasiirka amniga Cabdisamad Galan oo gaaray Badhan.[Masawiro]
March 17, 2021 - Written by EditorBadhan:-Gudoomiyaha gudiga Dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi oo uu waheliyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan ayaa maanta gaaray Magalada Badhan.
Masuuliyiintan markii ay gareen Magaalada Badhan waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka Gobolka kan Degmada iyo sarakiisha ciidamada dawladda Puntland.
Ujeedka socdaalka weftiga ayaa waxa uu salka ku hayaa wax ka ogaanshaha Ciidamada daraawiishta ee tababarku oga socdo Dugsiga Tababarka Ciidamada degmada Badhan.
Degmada Badhan waxaa horay ugu sugnaa Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta dawladda Puntland Gen Yaasiin Cumar dheere iyo Masuuliyiin kale si dhowna ula socday xaalada ciidamada daraawiishta.
no images were found
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda dawladda Puntland