Wareysi ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo VOA la yeelatay James Swan[Dhagayso]
March 17, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegey in kulanka la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho uu yahay mid muhiim u ah Mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Ergeyga ayaa sidoo kale xusey sida murankan mudada sanadka ku dhow soo socdey uu u curyaamiyey adeegyadii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya. Ergeyga oo wareysi dheer siiyey VOAda ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo Soomaaliya ku saabsan.
Falastiin Axmed Iiman ayaa ugu horreyn weydiisey, maadaama ay madaxdii maamul goboleedyada intooda badan iyo madaxdii dowlada federaalkaba ay hada Muqdisho joogaan maxaa xiga oo laga fili karaa?
Source:VOA