Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta iyo Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya.[Masawiro]
January 11, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.
Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sidoo kale hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya, gaar ahaan qeybta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Heidi Elburgi Johansen.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net