Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo goob joog ka haa dhaarinta Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta
January 29, 2022 - Written by EditorGaroowe: -Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xasan Cabdalle Xasan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa Wasiir ku xigeenka cusub oo uu dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida ugu wanaagsan u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
M_M_Deeq
Halgan.net