Hillary Clinton oo kulan la qaatay 6 Saxiixayaasha Road Map-ka
August 4, 2012 - Written byNairobi:-Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa waxaa ay magaalada Nairobi ee caasi mada dalka Kenya ay kulan kula qaadatay hoggaamiyayaasha Soomaalida. Madaxdii ay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maray kanka Hillary Clinton ay la kulantay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed , Raiisul Wasaaraha DFS Prof C/weli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan , Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweynaha Gal-Mudug Col.Maxamed Axmed Caalin iyo ururka Ahlusunah waxaa kale oo kulanka goob joog ka ahaa xubno ka mid ah beesha caalamka oo taageera dowllad Federaalka Soomaaliya.
Hillary Clinton ayaa sheegtay in dowllad Maraykanka ay dhiiri galinayso horumarka balaaran ee ay ku talaabsadeen Saxiixa yaashii Road Mapka iyagoo ku guulaystay in ay dalka Soomaaliya ka saaraan Ku meel gaarka meel mariyeyna Dastuur ay yeelan doonto dowllada Soomaaliya ay u dhisi doonaa beesha caalmaka iyo dowllada darsika la ah Soomaaliya.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku boorisay madaxda Soomaalida in ay dhamaystiraan Raod mapka iyo dhamaan hishiiyadii ay horay u wada gaareen Madaxda Soomaalida oo ayna goob joog ka ahaayeen Un-ka iyo xubno ka mid ah beesha caalamka oo iyagu loo xil saaray arrimaha dalka Soomaaliya.
Dowllada Maraykan iyo dalalka reer galbeedka ayaa fara gelin toos ah ku haya arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan howl galada iyo taageerada ay ciidanka AMISOM ay ka hellaan Maraykanka iyo EU, dowllada Maraykanka ayaa si cad u sheegtay in ay taageero siinayso ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyagoo siiyey diyaaradaha loo yaqaan Raven unmanned aircraft oo gaaray ilaa 12 diyaaradood.
Halgan.net