Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

March 14, 2014 - Written by Editor

IMG_6185-2Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed ayaa dib ugu soo noqday dalka kadib markii uu shalay uga qaybgalay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia shirweynaha 25-AAD ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD  iyadoo garoonka uu kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Wasiirka Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaaraha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkii IGAD iyo go’aanadii kasoo baxay ee lagu taageerayay Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen taageerada dawladda Soomaaliya iyadoo la bogaadiyay  horumaradda laga gaaray howlgaladda lagula dagaalamayo Nabad-diidka Al shabaab.

Waxaa si kulul loogu cambaareeyay shirkaasi dilka ay kooxda Al shabaab iyo Maleeshiyaadka kale ay u gaystaan dadka rayidka ah waxaana loogu baaqay dalalka ka caawinaya Soomaaliya xasiloonida in ay si habaysan ay u fuliyaan howlgaladooda. Waxaa laga codsaday Urur Gobolleedka IGAD, dawladaha daneeya Arimaha Soomaaliya  iyo beesha caalamku in ay ka caawiyaan Soomaaliya dadaalada lagu dhisayo maamuladda goobaha la xoreeyay.

Kulanka waxaa la iskula gartay in IGAD iyo beesha caalamka in ay taageeraan dadaalada xoogan ee lagu dhisayo, laguna xoojinayo ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh iyo in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Al-shabaab. “Waan sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno Nabad-diidka, magaalooyinka Soomaaliya oo dhan waan ka siffayn doonnaa. Al-shabaab waxaa ay dhobaato ku hayeen dadka iyo dalka oo xataa waxaa ay burburiyeen ceelal iyo goobaha loogu adeego bulshada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Garaad Salaad Xirsi
Prime Minister’s Media Office
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online