Sh.Xassan Daahir Aweys oo sawiro uu leeyahay lagu faafiyey Twitterka.[Masawiro]

March 17, 2014 - Written by Editor

Photo0058Muqdisho:-Waxaa maanta lagu faafiyey Twitterka masawiro cusub oo laga soo qaaday Sh.Xassan Daahir Aweys oo weli xabsi guri  ugu xiran dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka dib markii Sh.Xassan Daahir Aweys uu naftiis kala soo cararay hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane maalin ka dib markii uu dilay Ibraahim Afgaani yo Macalin Burhaan.

Masawiradda Sheekh Xassan Daahir Aweys  ee la soo dhigay Twitterka ayaa waxaa ay u muuqdaan masawiro qof shaqsi ah uu Shiikha kaga soo qaaday Mobilkiisa, Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa ka muuqda caafimaad wanaagsan mana jirto wax dhib ah oo Shiikha ka muuqda Alle Mahadiis.

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa markii ugu danbaysay oo Shiikha ay la xiriirto waxaa ay ahayd maalintii la dilay Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan isagoo Shiikhu isla habeenkiiba uu ka guureeyey degmada Baraawo ka dibna ay ciidanka Al-shabaab ay xireen dhalinyaro iyo masuuliyiin ka tirsanaa Al-shabaab halka qaar kale oo ay ka mid ahaayeen  Abu Yaasir  iyo Abu Ayaan , Zakariye  ay u kala baxsadeen Muqdisho iyo Gedo.

Sh. Xassan Daahir Aways ayaa waxaa uu weli gacanta ugu jiraa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan socda weli socda wada hadalo la doonayo in Shiikha lagu siidaayo waxaan Xabsiga intii uu ku xirnaa soo booqday culimo kale duwan oo uu ugu danbeeyey Sh Axmed Cabdisamad.

no images were found

Ilaa hadda lama yaqaan waqtiga rasmiga ah ee laga soo qaaday Sh Xassan Daahir Aweys masawiradaan iyo goobta walow lagu faafiyey Aalada Twitterka mana jiraa cid ka tirsan Ehelka Sh Xassan Daahir Aweys oo ka hadlay arrin kaan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online