Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay ku xigeenka Safiirka Germany ee Somalia
March 19, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta aqalkiisa ku qaabilay Ku xigeenka Safiirka Dowladda Germany ee Somalia Christian Resch. Ambassador Resch ayaa Madaxweyne Gaas uga mahad celiyay sida diiran ee ugu soo dhoweeyey Puntland. Safiirka iyo Madaxweynaha ayaa si faah-faahsan uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay xiriirka Germany iyo Puntland.
Kulanka madaxweynaha iyo safiirka oo qaatay mudo saacado ah ayaa sidoo kale diirada lagu saaray adkaynta xiriirka Puntland iyo Germany, isla markaana ay kaalin lixaad leh uga gaysan lahayd horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo horu marinta arrimaha bulshada.
–Dhamaan-
Communications Office
The Puntland Presidency