Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Rako-raaxo
March 21, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Rako-raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar .Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa markii ay gaareen degmada Rako- raaxo waxaa uu dadweynaha kula hadlay goob fagaaro ah isagoo dadweynaha u balan qaaday in dowladdiisu ay wax ka qaban doono baahiyaha ka jira deegaanada ka baxsan Laamiga.
Wafdiga Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa intii uu ku sugnaa degmada Rako- raaxoo waxaa uu booqday Isbitaalka degmada, Saldhiga Booliska , Dugsiga Hoose dhexe isagoo booqashada ka dib u sheegay saxaafadda in dowladdiisu ay ka hirgelin doono degmada Rako-raaxo Xafiisyo uu ku shaqeeyo maamulka degmada.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Karaash , Wasiirka Amniga Xassan Aloore Wasiirka Caafimaad Dr. Saadiq Eenow iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxtooyadda Puntland.
Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa waxaa maalmaha soo socda laga sugayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
M_M_Deeq
Halgan.net